U bood dhigaalka

Ciidamada Dowlada Oo Fashiliyey Qaraxyo

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah waxay fashiliyeen Laba qarax oo lasoo dhigay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Wararka waxay sheegayaan in xaafadda 21 October lasoo dhigay Laba boorso oo ay ku jireen walxaha qarxa, waxaana mid kamid ah la dhigay albaabka Iskuul halkaasi ku yaalla, halka midka kalena la dhigay maqaayad aan meesha ka fogeyn.

Ciidamada dowladda oo ka war helay walxahan qarxa ee lasoo dhigay halkaasi ayaa goobta degdeg ku gaaray, waxaana ay dadka ka bixiyeen xaafadaha halkaasi ku dhowaa, iyaga oo bilaabay in mid kamid walxahan ay furfuraan, iyaga oo ugu dambeyn ku guuleystay, sidoo kale ciidanka ayaa meeshiisa ku qarxiyey qaraxii Labaad.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Xalane oo la hadlay warbaahinta wuxuu sheegay in aanu wax khasaare ah ka dhalan qaraxii ay ciidanku qarxiyeen.

Maalmahan dambe ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojiyey howlgallada ay ku sugayaan amniga magaalada Muqdisho, xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan.

Goobjoog News