U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Dib Ula Wareegay Deegaanka Deynuunay Ee Gobolka Baay

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay dib ula wareegeen deegaanka Deynuunay ee gobolka Baay, kadib markii Al-shabaab ay saaka deegaankaasi dagaal ku qabsadeen.

Abaare Salaaddii Subax ee saaka ayaa ciidamada Al-shabaab weerar ku qaadday deegaankaasi waxaana halkaasi ka dhacay dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur galbeed ayaa isaga soo baxay deegaankaasi, inkastoo Al-shabaab saacado halkaasi ay joogeen kadib ay si iskood ah isaga baxeen.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkii saaka ee Deynuunay ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Ciidamada dowladda oo ka baxay magaalada Baydhaba iyo kuwo horay uga baxay deegaankaasi ayaa goor dhaw la xaqiijiyey in ay dib ula wareegeen Deynuunay.

Weli lama hayo khasaaraha guud ee ka dhashay dagaalkaasi inta uu la egyahay, hase ahaatee xaaladda iminka waa mid deggan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News