Ciidamada Dowladda Federaalka Oo Howlgallo Ka Wada Degmada Garbahaarey Ee Gedo

Wararka ka imaanaya saakay oo Arbaco ah degmada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay halkaasi ka wadaan howlgallo la sheegay in amniga lagu xaqiijinayo.

Ciidamada ayaa baaraya xaafado ka tirsan Garbahaarey iyo sidoo kale kuwo kale oo ku yaalla duleedka degmadaasi.

Saraakiisha ciidanka ee hogaamineysa howlgalladaan ayaa iyaga oo ka gaabsaday baahinta magacyadooda waxay si kooban ugu sheegeen Goobjoog News in howlgalladaan ay daba socdaan falal amni darro oo maalmahan dambe ka dhacay degmada Garbahaarey iyo nawaaxigeeda.

Waxay sheegeen inay jiraan dad ay soo qabteen xilli ay maleegayeen falal ammaanka liddi ku ah, islamarkaana ay jiraan kuwo kale oo ay ku raadjoogaan, balse ma aanay carar baabin tirada dadka lasoo qabtay.

Howlgalladaan wax saameyn ah kuma yeelan adeegyadii gacanasiga ee degmada Garbahaarey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW