Ciidamada Dowladda Federaalka Oo Howlgalo Amni Xaqiijin Ah Ka Wada Wadooyin Ka Mid Ah Shabeelaha Hoose (Dhageyso)

isbaarCiidamada Militiriga Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqay wadooyin ka mid ah gobalka Shabeelaha Hoose kuwaa oo la sheegay in falal amaanka ka dhan ah ay ku soo kordheen.

Wadooyinka ciidamadaan ay ku baxeen ayaa la tuhmayaa in ay ku sugan yihiin rag hubaysan oo xilliyada qaar halkaasi dhibaatooyin ka geysta, islamarkaana dhaca gaadiidka iyo dadka shacabka ah.

Ciidamadaan wadada ay haatan ku baxeen ayaa ah, wadada hoose ee ka baxday degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose taas oo marta deegaanada Mareereey, Baladul Amiin ilaa iyo deegaanka Janaale.

Degmada Afgooye ilaa iyo deegaanka Mareereey waxaa la dhigay in ka badan 5 Fariisin oo ciidamada Milatariga ah, kuwaa oo amaanka lagu xaqiijinayo.

Sidoo kele waxaa jiro ciidamo wadooyinka oo dhan ku wareega si ay u ogaadaan cid walba oo dhiganaysa jidgooyo, iyadoo ciidankaan ay qabteen dad amni darada lagu tuhmayo.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW