U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda iyo Al-shaab oo Ku Dagaalamay Baay

Sheeko:Amniga

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo  Milatariga dowladda oo isku dhinac ah iyo xunbo ka tirsan Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay duleedka Degmada Diinsoor ee gobolka Baay isaga oo soo gaaray gudaha maagalada  ee , ciidanka dowladda ayaa guulo ka sheegtay dagaalka.

Dagaalka oo ku bilowday Hoobiyeyaal Al-shabaab ay ku garaaceen degmada ayaa waxaa xigay dagaal dhex maray labada dhinac, waxaana ciidanku ay sheegeen in xubno ka tirsan Shabaabka lagu dilay dagaalka dhacay, waxaana ay intaas ku dareen in ay iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday degmada Diinsoor.

Alshabaab ayaa dhankooda sheegtay in Diinsoor ay kula dagaalameen ciidamo Itoobiyaan ah,sida ay ku qoreen barahooda Bulshada, waxaana aintaas ku dareen in madaafiic ay ku garaaceen daldhig ay leeyihiin diidamada Itoobiya sida ay hadalka u dhigeen, taas oo keentay dagaal dhex maray.

Goobjoog News