U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab Oo Ku Dagaalamay Deegaan Hoostaga Gobalka Mudug

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Camaara ee hoostaga gobalka Mudug ayaa sheegaya in waaberigi hore ee saaka xubna ka tirsan Ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka.

Deegaanka Camaara oo maalmo ka hor ciidamada Dowladda ururka Al-shabaab kala wareegen ayaa la sheegay in ciidamadi halkaas ku sugna ay iska caabiyeen Shabaabki weerarka soo qaaday.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale sheegay in ay xaaladda deegaanka hadda ay tahay mid tagan, kadib saacado koobaan oo dagaal uu labada dhinac saaka ku dhaxmaray.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Ciidamada dowladda iyo Ururka Al-shabab ku dhax maray deegaanka Camaara.

Sikastaba Camaara ayaa ka mid ah deegaanada Muhiimka ah ee gobalka Mudug kuwaas oo ay inta badan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda isku dagaalaan.

Goobjoog News