U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab Oo Ku Dagaalamay Gobalka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo gobalka Hiiran ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu ka socdo deegaan hoostaga degmada Matabaan, kaas oo u dhaxeeyo ururka alshabaab iyo ciidama ka tirsan kuwa dowladda.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ururka alshabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamo uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka amniga ee degmada Matabaan.

Waxaana dagaalka uu si gaar ah uga socda deegaanka Qorbosh oo hoostaga degamada Matabaan, waxaana halkaas ciidamada dowladda iyo ururka alshabaab ku dhex maray dagaal xooggan sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Illa iyo hadda macadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, kaas oo lagu soo waramayo in weli uu ka socdo deegaanka.

Ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira ururka alshabaab ayaa waxaa hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka amniga degmada Matabaan Ducaale aadan Cabdi.

Wixii war ee ka soo kordha dagaalka kala soco  Goobjoog News