U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay degmada Tiyeegloow

Sheeko:War

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Afrika AMISOM ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool.

Taliyaha ciidamada milateriga dowladda ee Bakool Kornayl Cismaan Maxamed oo hogaaminaya howl-galka dagaal ee ka socda gobolkaasai ayaa Goobjoog FM u sheegasy in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen degmada iyadoo uusan dagaal ka dhicin.

Waxa uu tilmaamay in ciidamadu ay wadaan dadaalo lagu xaqiijinayo ammaanka degmada oo uu sheegay in ay baneeyeen rag ka mid ah xarakada Al-Shabaab oo horay u maamulayay degmada.

Ciidamada huwanta ayaa imika wada howlgallo ay ku sugayaan ammaanka degmada.

Al-shabaab ayaa baneeyay degmooyin fara badan oo ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool tan iyo markii ay ciidamada AMISOM iyo dowladda howlgallo ballaaran ka bilaabeen halkaas.

Hoos ka dhageyso codka Kornayl Cismaan Maxamed: