U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda iyo ATMIS oo dilay xubna kamid ah Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda oo kaashana kuwa ATMIS in ay dileen xubna ka tirsan ururka Al-shabaab.

Ciidamada ayaa sheegay in saakay ay deegaanka Danow ay ku dileen 23 xubnood oo ka tirsan ururka alshabaab.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in hawlgalkaan uu yimid kadib markii xubna ka tirsan shabaab ay damceen in ay weerar ku soo qaadan ciidamada, balse ay ciidamada ka warqaabeen weerarkaas.

Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay sidoo kale in al-shabaab saanad ciidan looga furtay weerarka, lagana dilay 23 xubnood.

Goobjoog News