U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Afgooye

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, kaasi oo khasaare geystay.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda ku leeyihiin degmada Afgooye.

Wararku waxay sheegayaan in sidoo kale Al-shabaab ay Hoobiyeyaal kusoo tuureen degmadaasi, kuwaasi oo la sheegay iney ku dhaceen goobo dad shacab ah deganaayeen.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan 1 qof ayaa dagaalkaasi ku dhintay iyadoo Labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhame Amiin, taliyaha ciidanka booliiska ee degmada Afgooye ayaa u sheegay Goobjoog iney iska difaaceen Al-shabaab, islamarkaana wuxuu tilmaamay in dhankooda aanu wax khasaare ah soo gaarin.

Xaaladda guud ee degmada Afgooye saakay waa mid deggan, iyadoo dagaalkii xalay ka dhacay degmadaasi ay walwal ka muujiyeen shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Goobjoog News