U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Baar-sanguuni

Sheeko:Amniga

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa saakay ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaare kala duwan.

Wararka ay heleyso Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan uu ku bilowday weerar Ismiidaamin ah oo gaari loo adeegsaday, kaasi oo ay Al-shabaab ku qaadeen xero ay ciidamada DFS iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaankaasi.

Waxaa xigay weerar toos ah oo dagaalyahannada Al-shabaab ku qaadeen halkaasi, iyadoo Labada dhinac isku adeegsadeen rasaas xooggan.

Inkastoo weli la maqlayo rasaasta ayaa hadana waxaa lasoo sheegayaa in uu jiro khasaare Dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, balse tirada rasmiga ah weli lama hayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News