U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Baay

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa ku dagaallamay deegaanno ku dhow degmada Diinsoor ee gobolka Baay, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare nafeed.

Ibraahim Maxamed Nuur, Guddoomiyaha degmada Diinsoor oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dagaalkan uu bilowday kadib markii Al-shabaab ay iska caabiyeen howlgal ay qaadeen ciidamada dowladda.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in dhankooda ay ka geeriyoodeen Labo askari, waxaana dhanka kale uu sheegay in ay dileen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab kuwaa oo tiradooda uu ku sheegay 7.

Guddoomiye Ibraahim ayaa dhanka kale sheegay in ay nolosha kusoo qabteen 3 kamid ah dagaalyahannada Al-shabaab, islamarkaana waxa uu hoosta ka xarriiqey in howlgalladan ay sii wadi doonaan.

“Ciidamada waxay sameeyeen howlgallo ay ku baadigoobayeen nabad diidka, niman iyagii kamid ahaa baan isku dhacnay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal, annaga Labo askari baa naga dhimatey, dhankoodana 7 ayaan dilney, Saddexna nolosha baan ku haynaa” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Diinsoor.

Dhanka kale Al-shabaab wax war ah kama aaney soo saarin dagaalkan iyo sidoo kale khasaaraha la sheegay in dhankooda lasoo gaarsiiyey.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka K/galbeed ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa ay howlgallo ka wadeen deegaanno kamid ah gobollada Baay iyo Bakool.

Goobjoog News