U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Degmada Ceel-buur, Galgaduud

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka dhacay degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkaan ayaa billowday kadib markii ciidamada Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisin ciidankaan ku lahaayeen duleedka degmadaasi.

Inta la xaqiijiyey Labo qof oo shacab ah ayaa dagaalkaasi ku dhintay kadib markii rasaas habow ah ay guryahooda ugu tagtay.

Xaaladda guud ee degmada Ceel-buur saakay waa mid deggan in kastoo shacabka ku dhaqan degmadaasi ay walwal ka qabaan dagaalladii dhacay.

Saraakiisha dowladda Federaalka ee degmadaasi iyo Al-shabaab kama aanay hadal dagaalkan iyo khasaaraha dhankooda kasoo gaaray.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News