U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Doolow

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal dhex maray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Geedweyne  oo ku yaalla duleedka degmada Doolow ee gobalka Gedo.

Ciidamo ka mid ah Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen habeenkii xalay ahaa deegaankaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Federaalka.

Inkastoo aan la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay, ayaa hadana wararka waxa ay sheegayaan in la’isku adeegsaday rasaas xoogan.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Doolow ayaa u sheegay Goobjoog News in maanta xaaladda ay degan tahay, walow ay ciidamada dowladda Federaalka ah wadaan dhaqdhaqaaq ciidan.

Saraakiisha dowladda ee degmada Doolow ayaa xiriir aynu la sameynay waxa ay ka gaabsadeen in faah faahin naga siiyaan dagaalkaasi iyo khasaaraha ka dhashay, iyadoo dhinaca kale Al-shabaab aanay wax war ah dagaalkaasi kasoo saarin.

Goobjoog News