Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Duleedka Baardheere Ee Gedo

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka dhacay duleedka degmada Baardheere, halkaasi oo khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ay ka dhalatay.

Ciidamado ka mid ah Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ku lahaayeen halkaasi, gaar ahaan wadada aada degmada Saakow ee Jubada Dhexe.

Hal qof ayaa la xaqiijiyay in halkaasi uu ku dhintay iyadoo dhaawaca uu ka badan yahay Seddax, sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku dhaw halkaasi.

Dhinacyadii ku dagaallamay Baardheere wax war ah kama aanay soo kala saarin dagaalladaasi, inkastoo xaaladda guud ee degmada saaka tahay mid deggan.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa 22- July 2015, Al-shabaab waxa ay kala wareegeen degmada Baardheere ee Gobalka Gedo.

Goobjoog News

Related Articles

26 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW