U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Gedo

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ku dhex maray deegaanka Tarako ee gobalka Gedo.

Ciidamada Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday fariisin ay ciidamada dowladda iyo AMISOM ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Inta la xaqiijiyay Lix qof ayaa dagaalkaasi ku dhimatay, waxaana ku dhaawacmay Afar kale oo dhammaantood ka wada tirsan dhinaycadii dagaallamay.

Qof ku sugan deegaanka Tarako ee lagu dagaallamay ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in dagaalka uu socday in ka badan saacad, islamarkaana la’isku adeegsaday rasaas xooggan.

Xaaladda guud halkii xalay lagu dagaallamay waa ay deggan tahay, mana jirto wax war ah oo ay soo saareen dhinacyadii dagaallamay.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore u weerartay fariisin ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin gobalka Gedo.

Goobjoog News