U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Gobalka Bakool

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa ka dhacay deegaanka Madaale oo ku dhaw degmada Tiyeeglow ee gobalka Bakool.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalkaasi oo saacado socday uu dhacay xalay iyo maanta, waxaana weerarka dagaalka lahaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Gudoomiyaha degmada Tiyeeglow ee gobalka Bakool Maxamed Food Cadde oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada ay dileen dagaalyahanno ka mid ah Al-shabaab kuwo kalena nolosha ay ku qabteen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale gudoomiyaha degmada Tiyeeglow ee gobalka Bakool ayaa sheegay in deegaanka ay ciidankooda weerareen uu ahaa deegaan saldhig weyn ku lahaayeen Al-shabaab, waxaana uu hoosta ka xaqriiqay in Al-shabaab ay is soo garabsadeen ururka ONLF.

“Dagaalka lagu qaaday Al-shabaab khasaare xoogan ayaa kasoo gaaray, maleeshiyaad badan ayaan ka dilnay, kuwo kalena nolosha ayaan ku qabanay, waxa ay Al-shabaab isbahaysi lasoo sameeyeen ONLF, waana laga qabsaday deegaanka Madaale oo muhiim u ahaa” ayuu yiri Gudoomiye Food Cadde.

Dhanka Xarakada Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkaasi iyo wararka sheegaya in ciidamo laga dilay, kuwo kalena nolosha looga qabtay.

Goobjoog News