U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Gobalka Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka dhacay deegaanka Laanta Buuro ee gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidamada Al-shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday saldhig Milatari oo ciidamada dowladda ku lahaayeen Laanta Buuro, waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal daqiiqado badan socday.

Dad ku dhaw halka lagu dagaallamay ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalkaasi la’isku adeegsaday rasaas xooggan, islamarkaana ciidanka Al-shabaab ay halkaasi kasoo weerareen Labo jiho.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinaycadii dagaallamay, hase ahaatee illaa iyo haatan lama xaqiijin karo inta uu la egyahay khasaarahaasi.

Ciidamada Al-shabaab ayaa la sheegay inay la wareegeen gacan ku haynta xeradii Laanta Buuro ee weerarka ku qaadeen, iyaga oo halkaasi ku gubay gaadiid Booyado ah oo la sheegay in ciidanku adeegsanayeen.

Ciidamada dowladda ee kasoo baxay deegaanka Laanta Buuro waxaa la sheegay inay yimaadeen degmada Afgooye oo illaa saaka ay ku sugan yihiin, inkastoo Al-shabaab ay dib uga baxeen xeradii ay qabsadeen.

Al-shabaab waxay guul ka sheegteen dagaalkaasi, balse saraakiisha dowladda Federaalka ee goblka Shabellaha Hoose weli kama aanay hadal dagaalladan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News