U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Gobolka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkaan ayaa  dhacay saqdhexe xalay, waxaana uu billowday kadib markii ay ciidanka Al-shabaab weerar ku qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaankaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintay dad gaaraya 5 kuwaasi oo isugu jira dhinaycadii dagaallamay iyo dad shacab ah, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Wararka waxay tilmaamayaan sidoo kale in dhowr madfac ay ku dhaceen guryo dad shacab ah ay deganaayeen kuwaasi oo iyana khasaare geystay.

Xaaladda deegaankii lagu dagaallamay haatan waa mid deggan, hase ahaatee waxaa deegaankaasi shalay isaga baxay ciidamada Itoobiya.

Goobjoog News