U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ee Itoobiya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan kaasi oo khasaare geystay.

Ciidamada Al-shabaab ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen deegaankaasi gaar ahaan fariisin ay ciidanka dowladda Federaalka ku leeyihiin halkaasi.

Inkastoo aan la xaqiijin weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi ayaa hadana wararku waxay sheegayaan in Al-shabaab ay deegaankaasi dhowr jiho ka weerareen.

Guddoomiyaha deegaanka Halgan Guhaad Cabdi Warsame oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay iska caabiyeen Al-shabaab, islamarkaana dagaalka uu socday ku dhawaad 1-saac.

Waxa uu ka gaabsaday guddoomiyaha inuu sharaxaad ka bixiyo khasaaraha ka dhashay dagaalkan iyo inta uu la egyahay.

Deegaanka Halgan ee xalay lagu dagaallamay waxaa haatan jooga ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ka socda.

Al-shabaab qoraal ay soo dhigeen warbaahintooda waxay ku sheegeen in dagaalkaasi ay ka qeybqaateen boqolaal dagaalyahannadooda ah, islamarkaan ay khasaare gaarsiiyeen ciidanka dowladda iyo kuwa Itoobiya waa sida ay hadalka u dhigeenne.

Goobjoog News