U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay deegaanka Laanta Buuro ee gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalkan ayaa billowday kadib markii Al-shabaab la sheegay in weerar ay ku qaadeen xerada Laanta Buuro oo saldhig weyn u ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado socday.

Ibraahim Aadan Najax oo ah guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose oo la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay in Al-shabaab ay gudaha u galeen qeyb ka mid ah xeradaasi, islamarkaana iska caabin ay kala kulmeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyey in 5 ka mid ah askarta dowladda ay ku dhimatay dagaalkaasi, khasaarahana intaasi uu ka badan karo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu xaqiijiyey Guddoomiye Najax in Al-shabaab ay u suurta gashay inay qaataan Labo gaari oo kuwa dagaalka ah iyaga oo dib halkaasi uga baxay.

Taliska ciidanka xoogga dalka weli wax faah faahin ah kama aanay bixin dagaalkan iyo khasaaraha rasmiga ah ee dhankooda soo gaaray.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News