U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamaya Baay

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab uu ka soconayo deegaanka Goofgaduud Shabeellow oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Baydhaba.

Dagaalkan ayaa bilowday waabarigii saakay kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen ciidanka dowladda ee ku sugan deegaankaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku geeriyootay 8 ruux oo dhinacyadii dagaallamayay ah, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo aynu xiriir la samennay waxay sheegeen iney iska caabinayaan Al-shabaab, iyadoo warar soo baxayana ay sheegayaan in ciidanka dowladda laga gubay gaari nooca dagaalka ah kaasi oo gurmad u ahaa ciidamada ku sugan Goofgaduud Shabeellow.

Khasaaraha ayaa intaan ka badan karo maadaama dagaalka uu socdo, waxaana la sheegayayaa in ciidan badan oo gurmad ah oo ka baxay magaalada Baydhabo ay ku biireen dagaalkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News