U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Maanta Ku Dagaallamay Degmada Garbahaarey Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay weerar waxyeello ay kasoo gaartay ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Rag hubeysan oo ka mid ah Al-shabaab ayaa jidka u galay ciidamada dowladda oo ka baxay degmada Garbahaarey, kuna wajahnaa deegaan lagu magacaabo Godey, halkaasi oo dagaal khasaare geystay uu ka dhashay.

Afar ka mid ah ciidamada dowladda ayaa la xaqiijiyay in halkaasi ay ku dhinteen, iyadoo sidoo kale uu jiro dhaawac intaasi ka badan, sida Goobjoog News ay u xaqiijiyeen saraakiil ku sugan degmada Garbahaarey.

Ciidamadii dowladda ee ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa la sheegay in loo soo qaaday Isbitaal ku yaalla degmada Garbahaarey.

Wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in ciidamo dheeraad ah ay gaareen halkii ay ku dagaallameen ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab, iyadoo weli xaalad kacsanaan ah halkaasi laga dareemayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News