U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Saakay Ku Dagaallamay Gedo

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa saaka Waabarigii ka dhacay deegaanno ku dhaw degmada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo.

Ciidamada Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Qodaxey ee duleedka degmada Garbahaarey.

Inta la xaqiijiyay Afar qof ayaa dagaalkaasi ku geeriyootay, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka, kuna sugan degmada Garbahaarey ayaa u sheegay Goobjoog News in ay iska caabiyeen weerarkii Al-shabaab kusoo qaaday, sidoo kalena waxay sheegeen inay dileen Seddax ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Dhanka Al-shabaab wax war ah kama aysan soo saarin dagaalladaasi, hase ahaatee xaaladda deegaanadii lagu dagaallamay ayaa haatan ah mid deggan.

Goobjoog News