U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Al-shabaab Ka Qabsaday Deegaanno Ku Dhaw Baardheere

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobalka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Al-shabaab ka qabsadeen deegaanno ku dhaw degmada Baardheere ee gobalka Gobalkaasi.

Ciidamadaan ayaa Seddax Jiho kaga socda dhanka degmada Baardheere, waxaana la sheegayaa in ciidankii weerarka ka qaaday dhanka waqooyi ee degmada Baardheere ay qabsadeen deegaano uu ka mid yahay Eesow oo qiyaas ahaan 55 KM dhanka waqooyi degmadaasi kaga beegan.

Saraakiil ka mid ah ciidamada dowladda ayaa xaqiijiyay in iska hor imaad uu dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya iyo kuwa Al-shabaab oo dhinac ah, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, inkastoo tirada rasmiga ah aan la shaacin.

Ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Jubbaland ayaa Seddax Jiho ugu dhaqaaqay degmada Baardheere ee gobaka Gedo, waxaana degmadaasi ka socda barakac ay wadaan dadka shacabka ah.

Goobjoog News