U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanka Moqokori Ee Gobalka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa maanta si buuxda waxa ay ula wareegeen deegaanka Moqokori ee gobalka Hiiraan, halkaasi oo maamuli jireen Al-shabaab.

Ciidamadaan oo aad u badnaa ayaa habeen ka hor waxa ay kasoo dhaqaaqeen dhanka degmada Maxaas, hase ahaatee Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay in gabal dhicii shalay ay halkaasi isaga baxay.

Ciidamada oo deegaankaasi hareeraha ka joogay ayaa ugu dambeyn waxaa la sheegay in maanta ay si rasmi ah gudaha ugu galeen.

Saraakiil ka mid ah ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa meel fagaare ah shacabka isugu yeeray, iyaga oo kala hadlaya dadka in ay is dejiyaan, kana shaqeeyaana ammaanka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News