U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Degmada Xamarweyne Ka Sameeyay Howlgal Dad Badan Lagu Qabtay

Sheeko:Dalka

HowlgalCiidamada Booliiska ee dowaldda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Booliiska ee AMISOM ayaa xalay waxa ay howlgal balaaran ka sameeyeen degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan ayaa ahaa mid lagu baarayay dhamaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmadaasi, waxaana ciidamada ay guri guri u galeen guud ahaan degmada Xamarweyne.

Gudoomiyaha degmada Xamarweyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo u waramay Goobjoog, waxa uu sheegay in howlgalkaan lagu soo qabtay ilaa 200 oo qof, kuwaa oo meel banaan ah la’isugu keenay, baaritaan ka dib 6 qof lagu tuhmay in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, sidaasna baaritaan loogu waday.

“Dhamaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Xamarweyne weynu baarnay, waxaana soo qabanay 200 oo qo, Lix qof ayaana tuhun galay, waxaa howlgalka si wadajir ah u fulinaayay ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM, si guul ah ayuuna kusoo dhamaaday howlgalka” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Xamarweyne.

Xaaladda guud ee degmadaasi saaka waa mid caadi ah, waxaana howlgalka uu ahaa mid socday ilaa xalay saqdhexe.

 

Goobjoog News