Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Faarujiyay Deegaanka Tooratoorow

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay faarujiyeen deegaanka Tooratoorow ee gobalka Shabellaha Hoose.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalkaasi Maxamed Cabdi Xasan Afgooye ayaa sheegay in ciidamadaan ay si lama filaan ah ku faarujiyeen deegaankaasi, waxaana markii ay halkaasi faarujiyeen goobta gaaray ciidamo ka mid ah Al-shabaab.

Xiriir wariyaheena uu la sameeyay dadka ku dhaqan deegaankaasi ayaa waxay u sheegeen in aanay jirin wax dagaal ah oo halkaasi ka dhacay kahor inta aysan faarujin ciidamada AMISOM, hase ahaatee dadka ay ka baqanayaan in deegaankaasi lagu dagaallamo maadaama Al-shabaab ay ku sugan yihiin.

Ciidamadii faarujiyay deegaanka Tooratoorow ayaa la sheegay in ay aadeen dhanka deegaanka Aw-dheegle oo ka tirsan isla gobalka Shabellaha Hoose.

Sababta ka dambeysa in ciidamadaan ay ka baxaan deegaankaasi lama oga, hase ahaatee maalmihii ugu dambeeyay Al-shabaab ayaa xoojisay weerarada ay ku qaadeyso fariisimada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin Shabellaha Hoose.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW