U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Faarujiyay Deegaanno Ka Mid Ah Sh/Hoose Iyo Al-shabaab Oo La Wareegtay Deegaanadaasi

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo gobalka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Al-shabaab ay qabsadeen deegaanada Golweyn iyo Cambarey oo ka mid ah gobalkaasi.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa la sheegay in halkaasi ay la wareegtay Xarakada Al-shabaab, ka dib markii ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay halkaasi faarujiyeen.

Inta aysan ciidamada is garabsanaya ka bixin deegaanadaasi ayaa la sheegay in deegaanadaasi uu ka dhacay dagaal sababay dhaawaca 6 qof oo shacab ah.

Deegaanka Golweyn ayaa u dhaxeeya degmooyinka Buulomareee iyo Shalanbood, halka deegaanka Cambarey uu u dhaxeeyo Baraawe iyo Buulomareer.

Shacabka ku dhaqan deegaanada ay qabsadeen Al-shabaab waxaa soo wajahay cabsi ah in mar kale lagu dul dagaallamo, waxaana sidoo kale la sheegayaa in deegaanadaasi barakac uu ka billawday.

Goobjoog News