U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo howl gal ka fuliyay deegaanka Goof Gaduud

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda Itoobiya ayaa howl gal baaritaan ah maanta ka bilaabay deegaanka Goof Gaduud ee gobolka Baay.

Guddoomiyaha maamulka deegaankaasi Axmed Cali oo la hadlay Goobjoog FM ayaa tilmaamay in ciidamadu ay baaritaan ku hayaan xaafadaha deegaanka kadib markii weerar rag hubeysan ay ku soo qaadeen fariisimo ay ku leeyihiin halkaasi.

Wariyaha Goobjoog FM uga soo warama gobolka Bakool ayaa soo sheegay in ciidamada is garabsanaya ay howl gal guri guri ah ka sameeyeen xaafadaha Goof Gaduud iyaga oo dadka deegaanka su’aalo weydiinaya.

Ciidamada ayaa dad aan tiradooda la sheegin ku soo qabtay howl galka kuwaas oo u badan dhalinyaro.

Xaalada deegaanka ayaa caadi ku soo laabatay iyada oo dhaqdhaqaaqa ganacsigana uu dib u bilowday.