U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dagaal ku qaaday Buulo Mareer

Sheeko:Dalka

Ciidamada howl galka Midowga Afrika AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka weeraro balaaran ku qaaday deegaano ka tirsan gobolada SHabeelaha Hoose iyo SHabeelaha DHexe.

Xoogagga AMISOM oo hor kacaya howl galka ayaa aroortii hore ee saaka weerar ku qaaday deegaan u dhow  Buulo Mareer, halkaas oo ay in muddo ah ka arimin jireen Al-shabaab.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii
Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii

Guddoomiyaha gobolka SHabeelaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlay Goob Joog FM ayaa cod dheer ku sheegay in ay ku sii jeedaan Buulo Mareer iyo degmooyin kale oo ay ka mid tahay Baraawe.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa xusay in Buulo Mareer ay ka weerayaan dhowr jiho oo ay ka mid yihiin SHalanbood iyo Qoryooleey.

Sannadkii hore ayay ahayd markii ciidamada kumandooska Faransiiska ay howlgal qorshaysan ku qaadeen deegaanka Buulo Mareer si ay u soo furtaan sarkaal  Faransiiska oo ay  Al-shabaab halkaas ku haysteen.

DHanka kale, ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa howl galo kuwan la mid ah ka bilaabay deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo SHabeelaha DHexe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowgii bishan ku dhawaaqday howl gal ay ugu magac dartay Badwaynta Hindiya (Indian Ocean), kaasoo lagu cayrinayo  Al-shabaab.

Hoos ka dhageyso codka Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii:

Wixii war ah ee ku soo kordha kala soco Goobjoog FM