U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Howlagallo Ka Wada Degmada Baardheere Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka saaka laga helayo degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa ku waramaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay howlgallo ka wadaan degmadaasi iyo nawaaxigeeda.

Ciidamo badan ayaa isku wareejiyay xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Baardheere, waxaana meelaha qaar howlgalka uu yahay mid guri guri loo baarayo.

Dadka ku dhaqan degmadaasi ayaa saaka kusoo kacay iyadoo ay ciidamo badan dul taagan yihiin, mana jirto weli cid la sheegay in howlgalkaan lagu soo qabtay iyo sababta ka dambeysay howlgalladaan.

Dhanka kale waxaa hawada ka maqan Isgaarsiinta degmada Baardheere oo la sheegay in saraakiisha amniga ee degmadaasi xalay saq dhexe ku amreen shirkadaha in hawada ay ka saaraan.

Guud ahaan degmada Baardheere iyo tuulooyinka hoostaga degmadaasi saaka kama jirto wax Isgaarsiin ah, taasi oo saameyn ku yeelatay dadka shacabka ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News