Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Howlgallo Ballaaran Ka Billaabay Galbeed Hiiraan

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta ku baxay deegaanno dhowr ah oo ku yaalla Galbeedka gobolka Hiiraaan halkaasi oo howlgallo amni sugid ah ay ka wadaan.

Deegaannada ay ciidanka ku baxeen ayaa waxay qiyaas ahaan 30 Km u jiraan magaalada Baladweyne, waxaana ay kala yihiin Ceelbaar, Luuq Jeelow iyo deegaanno kale.

Howlgalkaan waxaa hoggaaminaya Maxamed Ibraahim C/laahi oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Hiiraan, Guddoomiyaha magaalada B/weyne Maxamed Cismaan Cabdi Qallaafow,Taliyaha guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeeed Korneel Tawane Axmed Gurey, Taliyaha ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ee gobolka Hiiraan Korneel Xasan Jaamac iyo saraakiil kale.

Weli lama soo sheegin cid lagu soo qabtay howlgalladan, hase ahaatee waxay saraakiisha sheegayaan in amniga lagu sugayo oo kaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW