U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Howlgallo Dad Lagu Soo Qabtay Ka Wada Gobalka Baay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobalka Baay ayaa waxaysheegayaan in ciidamada dowaladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay howlgal aad u ballaaran ka wadaan degaanno ka mid ah gobalka Baay, halkaasi oo dad badan lagu soo qabtay.

Ciidamadaan oo ka baxay magaalada Baydhabo ayaa la sheegay inay tageen deegaanno ku dhaw magaaladaasi, waxaana dadka ay soo qabteen la sheegay in lagu tuhmayo inay ka mid yihiin Xarakada Al-shabaab.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee howlgalkaan qeybta ka ah ayaa si kooban u sheegay in dadkaan lasoo qabtay oo ka badan 20 ay ku wadaan baaritaanno lagu kala saarayo, ciddii lagu helo tuhunka loo qabo ku cadaatana la geyn doono maxkamad.

Dhanka kale Goobjoog News xiriir ay la sameysay maamulka Gobalka Baay si ay howlgalkaan uga xog wareysato ayaan suurta gelin.

Inta badan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeya deegaannada ku dhaw magaalada Baydhabo ee gobalka Baay.

Goobjoog News