U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Howlgallo Ka Wada Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud, maanta oo Khamiis ah ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay howlgallo ballaaran ka wadaan deegaannada bari ee gobolkaasi.

Ciidamadan ayaa howlgalkoodan lagu sheegay mid amniga lagu xaqiijinayo, waxaana meelaha ay howlgallada ka wadaan kamid ah degmada Ceelbuur iyo deegaanno ku dhow degmadaasi.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in la arkayo ciidamada oo ku faafay deegaanno dhowr ah, islamarkaana galaya guryaha halkaasi ku yaalla.

Ma jirto illaa hadda cid la sheegay in ay ciidamadan kuwoo qabteen howlgallada, sidoo kalena saraakiisha ciidanka dowladda ee hoggaaminaya howlgallada ayaa ka gaabsaday xiriir aynu la sameynnay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco warar keena kale

Goobjoog News