U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo howlgalo ka wada deegaano ka mid ah gobalka Hiiraan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Buulo Burde
Buulo Burde

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya kuwa AMISOM ayaa maanta waxay howlgal xoogan ka wadaan deegaano badan oo hoostaga degmada Buulo Burde ee Gobalka Hiiraan.

Maamulka degmada Buulo Burde ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in howlgalkaan uu yahay mid lagu xaqiijinayo amaanka guud ee degmadaasi, sidoo kalena ay ka jawaabayaa weerar xalay degmadaasi kusoo qaadeen Al-shabaab.

Ciidamada ayaa guri guri u baaraya halka howlgalkaan uu ka socdo, sida Goobjoog Fm u sheegay duqa degmadaasi Cismaan Geedi Cilmi, isaga oo hadalkiisa ku daray in ay ku raad joogaan Al-shabaab weerar kusoo qaaday xalay degmadaasi.

Mar uu duqa Magaalada Buulo Burde uu ka hadlayay qasaaraha ka dhashay weerarkii xalay ayaa sheegay in uu ku dhintayAskari ka mid ah ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ku sugan degmadaasi.

Cismaan ayaa u sheegay shacabka ku dhaqan degmada Buulo Burde iyo Nawaaxigeeda in ay la dagaalamaan Xarakada Al-shabaab, isaga oo dhinaca kale sheegay in howlgalada socda ay sii xoojin doonaan.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News