U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku wajahan Baraawe

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa howl galka midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta u dhaqaaqay magaalada Baraawe.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa wada dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan Baraawe.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Goobjoog FM in ciidanka isgarabsanaya ay ku suganyihiin deegaanka Maryan gubaay oo u dhaxeeya Buulo-mareer iyo Baraawe.

Howl galladan ka jira gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa horay ciidanka ay ula wareegeen Kurtun-waarey, Buulo mareer iyo deegaano kale.

Magaalada qadiimiga ah ee Baraawe waxaa weli ka ariminaya xarakada Al-shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore ugu dhawaaqday howl gal ay ugu magac dartay bad waynta Hindiya oo ay sheegtay in ay dalka uga saareyso xarakada Al-shabaab.