Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo La Sheegay In Al-shabaab Ay Kala Wareegeen Deegaan Ka Mid Ah Shabellaha Hoose

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegayaa in saaka ay la wareegeen deegaanka Tooratoorow oo ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Xarakada Al-shabaab.

Abaanduulaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo la hadlay Raadiyaha dowladda ayaa sheegay in ciidamada ay si buuxda gacanta ugu hayaan deegaankaasi.

Waxa uu abaanduulaha tilmaamay in ciidamada aanay iska horimaad kala kulmin Al-shabaab, shacabkana ay soo dhaweeyeen ciidanka xooga dalka iyo kuwa AMISOM.

Ciidamada dowladda ayaa howlgal baaritaan ah ka wada deegaanka Tooratoorow, si loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaankaasi.

Al-shababa weli dhankooda wax war ah kama aysan soo saarin deegaankaan la sheegay in lagala wareegay, xaaladdana waa mid degan.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW