U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo La Wareegay Degmada Diinsoor Ee Gobalka Baay

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa si rasmi ah ula wareegay degmada Diinsoor ee gobalka Baay, halkaasi oo ay ka arimin jirtay Xarakada Al-shabaab.

Korneel Mahad Cabdiraxmaan oo ah taliyaha ciidamada Booliiska gobalka Baay ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in ay la wareegeen degmadaasi, isaga oo sheegay in Al-shabaab ay isaga baxeen halkaasi.

Waxa uu beeniyay in ay jiraan bililiqo degmada ka dhacday, xaaladana waxa uu ku sheegay in weli ay kacsan tahay.

Dhinaca kale dadka deegaanka ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News in Al-shabaab ay si iskood ah uga baxeen degmadaasi, sidoo kalena halkaasi ay ka socoto boob lagu hayo xarumo degmada Diinsoor ku yaalla.

Dad badan ayaa ku yaacay xarumo dan guud ah, oo ay ka mid tahay Isbitaalka degmada oo gacanta ku haysay hay’adda MSF iyo meelo kale oo muhiim ah.

Goobjoog News