U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo si buuxda ula wareegay degmada Jalalaqsi

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa maanta si buuxda ula wareegay gacan ku haynta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Howglalka lagula wareegay gacan ku haynta degmada Jala-laqsi ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ugu tala gashay in ay gacanta ugu dhigto deegaanada gacantooda ka maqan guud ahaan gobolka.

Degmadan ayaa waxay ahayd degmadii saddexaad ee gobolka Hiiraan oo ay awoodda ku lahayd xarakada Al-shabaab, iyada oo ciidamada dowladda iyo Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ay galeen iyaga oo aan la kulmin wax iska caabin ah.

Shacabkii degmadaas ku noolaa ayaa weli ku sugan guryahooda, waxaana qaar ka mid ah ay u sheegeen warbaahinta in ay degmada ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa caawinaya.

Qabsashada degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo aanay weli ka hadlin Al-shabaab, iyadoo ay noqonayso degmadii ugu horreysay oo gobolkaas ee laga qabsado tan iyo markii uu bilowday howl galka Badweynta Hindiya wajigiisii labaad.