U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Deegaanka oo Howlgal Ku Gaaray Tuulooyin Hoosta Budbud

Sheeko:Amniga
Ururka 4aad Guutada 16aad kumaandooska Danab iyo ciidamada dib uxoreeynta deegaanada ayaa maanta howlgalo ka sameeyay tuulooyin hoos yimaado deegaanka budbud ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo dhowaan laga saaray dagaalamayaasha Al-shabaab.
Goobaha maanta laga sameeyay ee hawlgalka waxaa ka mid ah tuulada xiintumaal iyo ceelal laga cabo biyaha kuwaas oo ku yaalay dhulka howdka ah oo  hadda ay ku sugan yihiin ciidamada xooga dalka Soomaliyeed oo gaaray tuulooyinkaas.
Taliyaha Ururka 4-aad ee Kumaandooska DANAB Laba xidigle Cabdullaahi Mustafa Cali “Madaale-qaran” oo hogaaminayay howlgalka, ayaa sheegay inay howlgallada ay sii wadi doonaan ayna diyaar u yihiin in ay gaaraan deegaanno cusub oo ka tirsan gobolka.
Goobjoog News