U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Deegaanka oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Galgaduud

Sheeko:Amniga
Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka oo maalmahaan howgallo ka waday xadka gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanno hor, kuwaas oo ay hore ugu sugnaayeen dagaalamayaasha kooxda dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay.
Deegaannada laga saaray ayaa waxaa ay hoostagaan degmada Galcad ee ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaas oo kala ah:  Baraag Sheekh Caamir, Caliheele iyo Cali Axmed oo dhammaantood hoos taga degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud, saaraakiisha ciidanka ayaa sheegay in howlgalkaas lagu jabiyay kooxda.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Alshabaab ay burburiyeen xarumihii Isgaarsiinta degmada Galcad, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay dowladda federalka, ciidanka dowladda ayaa hore isaga soo baxay Galcad iyo kadib weerar khasaare dhaliyay oo halkaas ka dhacay, howlgalkaan ayaa qeyb ka ah wajiga labaad.
Ciidamada dowladda federalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa bilaabay howlgallo ay ku doonayaan in ay kula degmada Ceelbuur iyo deegaanno hoostaga oo ka tirsan gobolka Galgaduud, howlgalkaan ayaa imaanaya xilli dhowaan madaxweynaha Jamhuuriyadda uu sheegay in ay la wareegayaan deeganno ka tirsan Galgaduud.
Gobollada dalka ayaa inta badan waxaa laga dareemayaa bilaabashada wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo laga fulinayo deegaanno ka tirsan Hirshabeelle Galmudug iyo Koonfur Galbeed, iyadoo lagu wado in ay qeyb ka noqdaan ciidamo ka socda dowladaha safka hore oo ballan qaaday taageeridda dagaalka.
Goobjoog News