U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Itoobiya oo La Wareegey Saldhiggii Ugu Weynaa Alshabaab ee Hiiraan

Sheeko:Dalka

Warar hadda naga soo gaaraya gobolka Hiiraan waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ka socda in ay la wareegeen deegaan Buq Aqable , halkaasi oo ahayd saldhiggii ugu weynaa ee Alshabaab ee gobolka Hiiraan.

Wararka la helayo waxa ay intaasi ku darayaan in ciidamada ay qabsadeen magaalada iyaga oo aanan la kulmin wax iska caabbin ah kadib markii ciidamada Alshabaab ay halkaasi horey uga sii baxeen.

Hase yeeshee waxaa jira warar aanan la hubin oo ka hadlaya qarax weyn oo ka dhacay gudaha magaalada, kaasi oo ka dhashay gaari , lamase oga qasaaraha iyo faahfaahinta qaraxa toona.

Buq Aqable waxa ay ku taalaa meel 40 km galbeedka ka xigta degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.

Waxa dhawaanahan socday hawgal ka dhan ah Alshabaab xili laga yaabo in gobolkaasi uu ka furmo shir maamul loogu samaynayo Hiiraan iyo Shabeelada Hoose.

Wixii faahfaahin ah dib ayaan kasoo sheegi doonnaa

Goobjoog News