U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa K/galbeed Oo Deegaanno Ka Tirsan Baay kala Wareegay Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa la sheegay iney dagaal kula wareegeen deegaanno ku dhow magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Ciidamadan oo ka baxay magaalada Baydhabo ayaa weerar ku qaadey deegaanno dhowr ah uuna kamid yahay deegaanka Labaatan Jirow, waxaana dagaal kooban oo dhacay kadib ay ciidanka la wareegeen deegaannadaasi.

Taliyaha ciidamada Booliiska gaarka K/galbeed, Cabdulle Isaaq Ibraahim oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka ay qaadeen uu ahaa howlgal gaar ah oo amniga ay ku xaqiijinayeen, islamarkaana ay magaalada Baydhabo bannaanka uga baxeen 55 KM.

Waxa uu sheegay taliyaha in dagaalkaasi ay ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayna kusoo qabsadeen saanad ciidan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Al-shabaab dhankooda kama aaney hadal khasaaraha kasoo gaarey weerarada ay qaadeen ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa K/galbeed, maamulka Koonfur Galbeed ayaa xoojiyey dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Goobjoog News