U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Ururka Al-shabaab Oo Ku Dagaalamay Deegaan Ka Tirsan Gobalka Galgaduud

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Godinlabe  ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay xubna ka tirsan ururka al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo degmada ay ku lahaayeen ciidamada dowladda.

Weerarka oo nacay xalay xilli dambe ayaa yimid kadib markii ay al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhig dhica koonfureed ah oo ku yaalla degmada Godinlabe  ee gobalka galgaduud.

Al-shabaab ayaa intii uu weerarka socday la wareegay gacan ku heynta saldhigga koonfureed ee Godinlabe, halkaas oo ay saacado ku sugnaayeen.

Ciidamada dowladda oo dhankooda weerar rogaal celis ah soo qaaday ayaa markii dambe ay u suuragashay in ay xubnihii ka tirsanaa Al-shabaab ay dib ugala wareegaan saldhigga koonfureed ee degmada Godinlabe ee gobalka galgaduud.

Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka degmada Godinlabe , balse xaaladda ayaa hadda u muuqata in uu mid dagan kadib dagaalki xalay.

Ma jirto wax faahfaahin ah oo ka soo baxay ciidamada dowladda iyo maamulka deegaanka Godinlabe  ee gobalka Galgaduud.

Goobjoog News