U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Adkeeyay Howlgalka Amni Sugista Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aad u adkeeyey howlgalka amni sugista magaalada Muqdisho oo maalmaha dambe ay ka wadeen guud ahaan magaalada.

Ciidamadan oo si gaar ah loogu yeero xasilinta caasimadda ayaa waxay isgoysyada Muqdisho ku baari jireen gaadiidka gaarka loo leeyahay, waxaana la fasixi jirey gaadiidka dadweynaha.

Balse maanta oo Sabti ah waxaa howlgalka lagu soo daray gaadiidka dadweynaha, taasi oo ka dhigan in guud ahaan si isku mid ah loo baarayo gaadiidka isticmaalaya waddooyinka magaalada Muqdisho.

Waddooyinka qaar aad bay ciriir u yihiin, gaadiidkuna waxay galayaan saf aad u dheer, wuxuuna gaari walbo sugayaa inta la baarayo.

Wariyeyaal ka tirsan Goobjoog News oo soo maray qaar kamid ah waddooyinkaan ayaa la sheekeystay dadka gaadiidka saaran sida ay u arkaan howlgallada.

Inkastoo daah waqti uu jiro, hadane dadku waxay kuu sheegayaan in tani qeyb ka qaadan doonto xasilinta Muqdisho.

Haddii aad magaalada Muqdisho gees ka gees ku mari jirtay 20 illaa 25 daqiiqo, hadda waa inaad ku tashataa ugu yaraan 50 daqiiqo.

Meelaha sida aadka ay ciidamada u baarayaan, socodka dadweynuhuna ku badan yahay ayaa ah wadada dheer ee ka tagta Isgoyska Bakaaraha ee gasha tan Dabka oo daqiiqado badan kugu qaadaneyso inaad halkaasi marto, wadada u dhaxeysa aargada KM-4 iyo Isgoyska Taleex, iyo sidoo kale jidka dheer ee Taleex kana yimaada dhanka carwada.

Dhallinyarada qaar ee gaadiidka saaran ayaa lagu amrayaa iney soo degaan, shaatigana kor u qaadaan, kadibna gaarigooda ayeey ku noqonayaan, halka haweenkana la farayo iney furan Indho Shareerka (Niqaab).

Tani ayaa u muuqata mid lagu sii adkeeyay amniga guud ee Muqdisho, xilli Labo cisho kahor ay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen Pizza House oo ahay meel ay ku nastaan dadka shacabka ah.

Goobjoog News