U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo Al-shabaab kala wareegay deegaan hoostaga gobalka Shabeellaha Dhexe

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo  gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in goordhaw ay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ay goordhaw la wareegeen deegaanka Alkowthar.

Deegaanka Alkowthar  ayaa kamid ahaa farisiimaha ay mudada dheer ku lahaayeen gobalka ururka alshabaab, waxaana hadda gacan ku haynta deegaanka la wareegay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka xoogga General Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in alshabaab kuu ku sugnaa deegaanka Alkowthar ay isaga baxeen deegaanka.

Odawaa ayaa sidoo kale hadalkiisa ku sii daray in ay siiwadayaan dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda gobalka Shabeellaha dhexe iyo gobalada kale ee dalka.

Deegaanka Alkowthar ayaa hoos imaada degmada Aadan Yabaal oo iyaduna ay dhawaan la wareegeen ciidamada, waana halka ay ku sugnaayeen Al-shabaabkii ka baxay degmada Aadan Yabaal.

Goobjoog News