Ciidamada Dowladda Oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanka Buurweyne Ee Hiiraan

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa u suurta gashay in Al-shabaab ay kala wareegaan deegaanka Buurweyn ee gobolka Hiiraan.

Ciidamadan ayaa la sheegay markii ay ku wajahnaayeen deegaankaasi oo ka mid ah deegaannada hoostaga degmada Buuloburde in iska caabin kooban ay kala kulmeen ciidamada Al-shabaab.

Gudoomiyaha degmada Buuloburde Cabdicasiis Duurow Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay qabsashada deegaankaasi oo muddo badan Al-shabaab maamulayeen, balse ma aanu sheegin wax khasaare ah oo Labada dhinac soo kala gaaray.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku wajahan yihiin deegaanno kale oo Al-shabaab ka maamulaan gobalka Hiiraan, gaar ahaan kuwa ku dhaw degmada Buuloburde.

Deegaanka Buurweyn sidaan oo kale waxaa dhowr mar ula wareegay ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM hase ahaatee ay isaga soo baxeen.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW