U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanka Wabxo Ee Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaanka Wabxo ee gobalka Galgaduud iyo deegaanno kale oo halkaasi ka dhaw.

Korneel Axmed Maxamed Tareedishe oo ah taliyaha guutada Lixaad ee ciidamada xoogga dalka, islamarkaana hogaaminayay ciidamada la wareegay deegaanka Wabxo ayaa u sheegay Goobjoog News in hadda xaaladda deegaanka ay tahay mid deggan, islamarkaana ciidamada ay deegaanno kale ku wajahan yihiin.

Waxa uu tilmaamay in dagaal aan badneyn uu ka dhacay deegaankaasi, kahor inta aanay la wareegin.

“Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM waxay si nabad ah kula wareegeen deegaanka Wabxo, Shabaab badan ma joogin halkaasi, intii joogtay wey kala carareen, shacabka ayaa nasoo dhaweeyay, ciidamada waxay ku wajahanyihiin deegaanno kale, shaqada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed wey soconeysaa inta nabad diidka ay joogaan” ayuu yiri Taliye Tareedishe.

Sidoo kale Korneelka ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan guud ahaan gobalka Galgaduud in ay soo sheegaan cid walba oo ka mid ah Al-shabaab, lana shaqeeyaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhanka Al-shabaab weli wax war ah kama aanay soo saarin deegaanka laga qabsaday iyo sidoo kale khasaaraha dhankooda soo gaaray.

Goobjoog News