U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo Al-shabaab kala wareegay deegaanno hoostaga gobalka Shabeellaha Dhexe

Sheeko:Amniga

Ciidanka kumaandoorka Soomaaliyeed ee Gor-gor, ayaa howlgallo qorsheysan saacadihii la soo dhaafay ka sameeyay deegaanno hoostaga degmooyinka Jowhar iyo Raage-ceele, kuwaas oo hoostaga gobalka Shabbelaha dhexe.

Howlgalkaan ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha guutada 17-aad ee Ciidanka Kumaandooska Gor-gor Col Dayax Cabdi, waxaana ciidamada ay ku guulaysteen in ay Al-shabaab kala wareegaan deegaanno dhowr ah oo hoostaga gobalka Shabeellaha Dhexe.

Deeegaannada ciidamada ay Al-shabaab ay kala wareegeen waxaa kamid ah deegaannada Warciise, Galeef Qordhere iyo  Jilable, kuwaas oo dhammaan hoostaga gobalka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ururka Al-shabaab, kuwaas oo ay kaga saarayaan deegganada ay kaga sugan yihiin dalka.

Sikastaba inta badan gobalada dhaca bartamaha iyo koonfurta dalka, ayaa waxaa ka socda kacdoon ay iska kaashanaayaan ciidamada qalabka sida iyo shacabka,  kuwaas oo Alshabaab lagaga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin dalka.

Goobjoog News